๐Ÿ๐Ÿ-๐ค๐š ๐ช๐จ๐๐จ๐› ๐ž๐ž ๐ฎ๐ ๐ฎ ๐ฆ๐ฎ๐ก๐ข๐ข๐ฆ๐ฌ๐š๐ง ๐๐ฎ๐ฎ๐ ๐ ๐š ๐“๐ก๐ข๐ง๐ค ๐š๐ง๐ ๐†๐ซ๐จ๐ฐ ๐‘๐ข๐œ๐ก ๐ž๐ž ๐๐š๐ฉ๐จ๐ฅ๐ž๐จ๐ง ๐‡๐ข๐ฅ๐ฅ

Buuggan wuxuu diiradda saaraya qodobada guusha horseeda, wuxuu dhiiri galinaya qorshayn iyo goโ€™aan wanaagsan, iyo maskax u diyaarsan is baddal.

โ€ข ๐˜๐ž๐ž๐ฅ๐จ ๐‡๐š๐๐š๐Ÿ ๐…๐š๐๐ก๐ข๐ฒ๐š: Waa inaad yeelato damac, dareen iyo hiigsi ku gubaya oo aad ku hamiyayso inaad gaarto, gaar ahan inaad hanti samayso. Dareenkasi waa inuusan kaa damin.

โ€ข ๐˜๐š๐ช๐ข๐ข๐ง: Abuuro wax aad rumaysan tahay oo la xiriira awooddaada, kuna gaarsiiya ujeeddo cayiman. Tani waa sawirashada guusha iyo inaad naftaada u diiddo inay qudheedu is quursato.

โ€ข ๐ˆ๐ฌ ๐ญ๐š๐ฅ๐จ ๐ฌ๐ข๐ข๐ง ๐ฃ๐จ๐จ๐ ๐ญ๐จ ๐š๐ก: Naftaada u sheekee, u xaqiiji awooddada, ku cel celi rajadaada, hadafkaaga ku xooji yaqiintaada iyo damacaaga.

โ€ข ๐€๐ช๐จ๐จ๐ง ๐Š๐ก๐š๐š๐ฌ ๐š๐ก: Baro ama kororso aqoon khaas ah oo qusaysa hadafkaaga joogtada ah. Aqoontu waa joogto waana in la dabaqo ee maahan hadal iyo tororog.

โ€ข ๐Œ๐š๐ฅ๐š-๐š๐ฐ๐š๐š๐ฅ: Diyaarso oo isticmaal farshaxanka mala awaalkaaga s iaad u suuraysato natiijada aad gaari doontid. Tani waa mashiinka maskaxda.

โ€ข ๐๐จ๐ซ๐ฌ๐ก๐š๐ฒ๐ง ๐๐ข๐๐š๐š๐ฆ๐ฌ๐š๐ง: Abuur qorshe faah faahsan ahna mid waaqici ah oo aad ku gaarayso hadafkaagii uguna hawl gashid xataa haddii qorshaha mar kaa xumaado.

โ€ข ๐†๐จโ€™๐š๐š๐ง: Samee goโ€™aamo deg deg ah oo sugan, dabadeed ku taagnoow. Goโ€™aan qaadasho-xumadu waa aasaaska guul darada.

โ€ข ๐Š๐ฎ ๐š๐๐ค๐š๐ฒ๐ฌ๐š๐ฌ๐ก๐จ: Joogtee ka goโ€™naasho aan marna hakad galayn gaar ahaan xilliyada caqabadaha, dib u dhaca, iyo fashilka kooban. Tani waxay muhiim u tahay rumaynta damaca is baddalka.

โ€ข ๐€๐ฐ๐จ๐จ๐๐๐š ๐€๐ก๐ฅ๐ฎ ๐‚๐š๐ช๐ฅ๐ข๐ ๐š: La saaxiib, agtaadana yaan laga waayin dadka caqliga iyo xikmadda leh, kuwaasoo kula wadaaga hiigsi ama xirfaddada oo kale leh. Ahlu Caqligu wuxu isku dubba ridaa aqoonta iyo dadaalka.

โ€ข ๐‡๐š๐› ๐Ÿ๐š๐ค๐š๐ซ๐ค๐š ๐ญ๐จ๐จ๐ฅ๐ฆ๐จ๐จ๐ง: Waa inaad la socotaa horayna u waddaa fakarkaaga iyo isla sheekaysigaaga waana hab u baddala aragti arin run ah.

โ€ข ๐€๐ฐ๐จ๐จ๐๐๐š ๐Œ๐š๐ฌ๐ค๐š๐ฑ๐๐š๐š๐๐š: Waa inaad aqoonsato awoodda ay leedahay maskaxdaada, gaar ahaan awoodeeda gudbinta iyo helidda fikirrada kala duwan, waana in fikradahaas kugu soo dhacaya ama aad dirayso kugu hagaan maskaxaha kale ee caalamka ka jira.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top