SOO KOOB: Q.2: 10-ka Qodob ee Ugu Muhiimsan Buugga Atomic Habits ee uu Qoray James Clear

Buuggan uu qoray James Clear ee Atomic Habits waa buug qiimo gaar ah xambaarsan oo diiradda saaraya sida qofku u yeelan karo dabeecad ama hab dhaqan wanaagsan. Hoos waxaa ku xusan tobanka qodob oo faah faahsan:

  1. Caadooyin yar yar balse Saamayn wayn leh
    Wax yar  oo la joogteeyo ayaa natiijo fiican in hal mar wax wayn la isi saaro. Tusaale: Hal bog haddii aad akhrisid maalinkii wax yar bay u muuqataa laakiin sanadkii waxay noqon wax wayn.
  2. Farsamada ayaa ka saraysa Hadafka
    Hadafka ama goolasha waxay kuu saxaan meesha aad u socoto, laakiin farsamada ama nidaamku waa waxa dhaqaajiya horumarka. Tusaale, halkii aad hadaf ka dagsan lahayd sida 10 kiilo iska riddo, waxaad dhistaa nidaam fadhiya oo aad saddex maalmood kaliya Jiimka ku aadayso, hadhow waqti aan fogayn waad gaaraysaa natiijadaas.
  3. Afarta Xeer ee wax ka baddalka hab dhaqanka
    Arintu marka hore hakuu caddaato, Marka xigana ka dhig wax kusoo jiita, marka xigana ka dhig wax dhaqso la samayn karo, marka ugu danbeeyana wax lagu raaxaysto samayntooda. Tusaale: Si aad biyo badan u cabto, caagadda biyaha miiskaaga soo saaro, caagga ay ku jiraanna ka dhig mid qurux badan, kadibna meel gacantaadu gaarto mar walba ha yaallo kama danbayntana mar walba oo aad mid dhammaysato u dabbaal dag.
  4. Qabatinka Caadooyin cusub iyo qaabaynta deegaanka
    Hab dhaqankaaga cusub waa inaad la xiriirisaa mid horay u jiray, waana inaad jawigaaga la jaanqaadsiisa.  Tusaale, Cadayga maalin walba waa (caado soo jirtay) laakiin mar walba  oo aad cadayato haddii aad samayso 10 push-up ah ama 50 xarig ka bood aba 5 bog aad akhriso waa (Caado cusub).
  5. Cidda guulaysata waa inay adiga noqoto, ee guusha maahan.
    Is baddalka hab dhaqanku waa inad diiradda saarto  waa kuma qofka aad rabto inaad noqoto, ee maahan guusha aad rabto inaad gaarto. Tusaale, Halkii aad dhihi lahayd “ waxaan rabaa inaan culays iska dhimo” waxaad ka fakartaa “ waxaan raba inaan noqdo qof caafimaad qaba” markaasna dooro cunto isku dheelli tiran.
  6. Doorka Sababta iyo Damaca
    Caadooyinka waxay ku bilaabmaan wax xaraaradda kiciya taas oo dhiirigelisa dabeecadda cusub inaad samayso. Tusaale, Marka aad rabto inaad jimicsato haddii aad kabahaaga ku diyaarsatid qolkaga iridkiisa (waa sababtii sahli lahayd hawsha soo socota) waxaana kasii dhasha damacii oo rumooba oo ah inaad horay usii xirato ood socodka bilowdo
  7. Soo jiido/shukaanso habdhaqanka cusub
    Yeelashada hab dhaqanka wanaagsan waa mid fudud waana mid rajo laga qabo in lagu taagnaado, laakiin waxay u baahan tahay inaad sababtii adiga sabab u noqoto. Tusaale: Haddad rabto inaad wax akhriso, buuggii aad akhrin lahayd uu nus mitir kuu jiro, ama qolka aad wax ku akhrinayso u diyaarsan yahay wax akhrin, waxay aad ugu dhowdahay wax akhrisid.
  8. Cabbir oo la soco caadada/habdhaqankaga
    Inaad la socoto habdhaqankaaga waxay abuuraysaa inaad heshid dhiiranaan, qanacsanaan iyo wacyi galin, iyo inaad sii joogtayso. Tusaale: Inaad diiwaan galiso ama note-garaysato mar walba  oo aad jimicsigii ku dartid hawl dheraad ah, sida orod, ama miisaan qaadid.
  9. Caqabadda waxa looga gudbaa joogtayn
    Horukucu waligiis maahan mid waddo toos ah ku socda, waxa ku imaan kara hakad iyo caqabad marka ugu horaysa laakiin xalku waa joogtayn. Tusaale:  marka aad baranayso accounting ama public speaking, maalmaha hore waxaad dareemaysa inaadan waxba baranayn, laakiin markaad joogtayso is beddel deg deg ah ayaad arkaysaa.
  10. Xoogga Saar Guusha waqtiga fog
    Is baddalka daa’imka ah wuxuu ku yimaadaa hab dhaqan tiirar adag ku taagan oo lagu laray guushaada iyo deegaankaaga, sida abuuridda jawi guushu macqul tahay. Tusaale: Halkii aad xoogga saari lahayd inaad 6 bilood luquad ku baratid, ama aad 30 maalmood cuntadaada saxdo, waxaa ka habboon inaad si tartiib tartiib ah luqadda u kororsato, ama wax uga baddasho qaabkaad cuntada u cuni jirtay.

DHAMMAAD

Daddhis Team

Scroll to Top