SOO KOOB: Q.3-aad: 10-ka qodob ee ugu wawayn Buugga Micheal Pollan ee In Defense of Food: An Eater’s Manifesto

Buuggan waa buug xoogga saaraya xulashada cuntada nafaqada leh, kala caddaynta cuntada rasmiga ah iyo midda la warshadeeyay, iyo bidhaaminta faa’iidada cuntada asalka.

  1. Cun Cunto Asal, Ha cunin midda la farsameeyay: Qoraagu wuxu ku baaqayaa in qofka caafimaadkiisa danaynaya uu xoogga saaro cuntada dabiiciga ah iyo midda dalagga ah , halkii dooran lahaa midda la warshadeeyay. Tusaale: Dooro Tufaax asal ah,  halkii aad dooran lahayd nac nac dhadhan tufaax leh ama cabitaan tufaax loo ekeaysiiyay.
  2. Iska ilaali Cuntada ka samaysan wax ka badan shan waxyaabood (five ingredients)., kaba fogow cuntadaas haddii waxyaabaha laga sameeyay ay dhowr xabbo yihiin. Tusaale: Dooro Yoogar (Yoghurt) cad oo aan waxba wehelin halkii aad cuni lahayd mid midabbo iyo dhadhano kala duwan leh.
  3. Ha cunin Cunto aadan mageceeda karin : Haddii aadan mageceeda ku dhawaaqi karin, iska daa maahan cunto jirta. Tusaale:  Cuntada ay tusaale ahaan kujiraan kiimi kooyinka ama maaddooyinka sidaan oo kale ah : “hydrogenated polyisobutene” ama “sodium benzoate.” Faraha ka qaad.
  4. Inta badan wax ka cun Qudaarta caleemaha leh: Cuntada u badan khudaarta caleemaha leh waa mid u fiican caafimaadka iyo deegaanka Tusaale: Mar walba cuntadaada haka mid ahaadaan cuntada cagaaran ee caleemaha leh sida Koostada (spinach) iyo kuwa la midka ah.
  5. Wax badan bixi, Wax yarna cun: Kharash ku bixi cuntada Tayada sare leh ee nafaqada miiran ah, Tusaale: Gado haddii aad heli karto ukunta ay dhasho doorada loo koriyo sida dabiiciga ah, ee bannaanada furan lagu xanaaneeyo, kana cun tiro aan badnayn.
  6. Cuntadaada Karso: Cuntada Guriga waxay fursad kuu siinaysaa inaad ogtahay waxay ka kooban tahay iyo xaddigeeda. Tusaale: Samayso maraqa guriga lagu sameeyay ee khudaarta lga sameeyay, halkii aad gadan lahayd maraq qasacad ku jira.
  7. U cun cuntada si soo jeed leh: Cuntada qorshaysan ee la yaqaano waxay kobcisaa caafimadka maskaxda. Tusaale: U fariiso cuntadada oo si miyir leh u cun, halkii aad cuni lahayd cuntooyin sida jibiska adigoo moobilkaga ama TV-ga isaga mashquulsan.
  8. Si tartiib ah wax u cun, dadkana wax la cun: cuntada oo si deggen loo cuno isla markaana dadka lala wadaago waxay kor u qaadda dheefshiidka iyo xiriirka bulshada. Tusaale: Halkii aad kaligaa cunto cuni lahayd adigoo TV-ga daawanaya la cuntee xaafadda ama asxaabta.
  9. Xayaysiinta badan yaysan ku wareerin: Cuntada ay ku jiraan waxyaabaha badan ee laga sameeyay inta badan waa mid aan fiicnayn. Tusaale : Haku dagmin xayaysiinta ku qoran alaabaha dushooda ee ah, wax dufan ah maleh, wax sonkor ah maleh, ayadoo ay sidaa tahay ayay wali caafimaad daro noqon kartaa.
  10. Cun cunto aad asalkeeda taqaanid: Cuntada aad cunaysid Meesha ay ka timid waa muhiim inaad ogtahay taasi waxay kordhinaysaa wacyigaaga. Tusaale: Malabka ka gado qof deegaanka ah, halkii aad isticmaali lahayd mid lasoo dhoofiyay, yaanyadana haddii aad helayso midda deegaanka ayada isticmaal.

–Dhamaad–

Daddhis Team

Scroll to Top