Buuggan wuu ka duwan yahay kii ka horeeyay ee nafaqada iyo cuntada, wuxuuna xoogga saarayaa dareenka cunto cunidda iyo isku miisaamidda nafaqada. 10-kan qodob waxay burinayaan qodobbo horeqoraayo kale ku tilmaameen arimo wanaagsan.
1.Ha isku Qufulin Cuntooyin Gaar ah
Haku mashquulin inaad cuntid cuntooyin mucayan ah (diet), sida waxaas ma cuno waxaasna waa cunaa. Maxaa yeelay wax kuu shaqaynaya maahan mustaqbalka, hadhowna waad walaacaysa haddaa joojisid. Tusaale: Halkii aad dhihi lahayd ma ahan inaan rooti cuno, jirkaaga waa inaad aamintaa oo markii gaajo ku qabato aad wax cuntaa, xataa rootiga.
2.Baahidaada Qaddari
Mar walba oo ay gaajo ku qabato ama aad dareentid astaamaha gaajada waa inaad jirkaaga quudiso, taasi waxay ka hortagaysaa inaad qashimaysato oo aad wax aan caafimaad ku jirin iska cun cunto. Tusaale: Haddii gaajo ama baahi ku qabato 10.00-ka, subaxnimo, ha sugin ilaa qadadaa. Afka gal- gali cunto caafimaad qabta sida tufaaxa, mooska, yoghurt-ka iyo wixii lamid ah.
3.Nabad la qaado Cuntadaada
Wax shuruud ah haku xirin cuntada aad cunaysid noocay doonto ha haatee, danbina maahan taasi. Tusaale: Haddii aad haysato shukulaato, u ogolow naftaada inaad waxoogaa ka dha dhamiso, adigoon ku tilmaamaynin shukulaatada cunisteeda mid danbi ah ama khalad aad samaysay.
4.La dagaallan Booliska Cuntada
Waa inaad aamusisaa codka madaxaaga ka dhawaaqaya ee cuntooyinka kuu calamadiya ee dhahaya ‘ cuntadaas waa xun tahay” ama “ cuntadaasi waa fiican tahay’. Tusaale: Naftaada haku ciqaabin haddii aad qac kasiiso ama mar cunto jab Keeg (cake) ah adigoo dhahaya “manta waa ka xumahay waxaa ku khaldamay inaan keeg cunay”
5. Baro markaad dharagsan tahay
Waa inaad ogaan kartaa marka aad dareento dharagta ama aadan u baahnayn inaad wax kale cunto. Tusaale: Markaad cashaynayso habaynkii, xoogaa yara jooji oo is waydii “ weli ma gaajaysnahay, ama wali maqancay?”
6. Ogoow Barta Qanacsanaanta
Ku raaxayso cunto cunidda — waxay fure u tahay nafaqadaada.
Tusale: Cunidda cunto habaysan, aad loo diyaariyay, gaar ahaan xilliga aad nasniinta ku jirto aadna soo jeeddo waxay sabab u noqon kartaa inaad cunto yar ku qanacdo..
7. Cunto haku xallin Xaaladdaada Murugsan
Haka dhigin cunto cunidda midda kaliya ee aad ku xallisid mashaakilaadka walwalka, murugada ama caajiska. Tusaale: Halkii aad ka cuni lahayd bac dhan oo Jibbis ah marka aad xoogaa culays dareemayso, isku day taa baddalkeeda inad socod yar samayso ama wax qor qorto.
8. Jirkaaga Xurmee
Waa inaad aqbasho sida dabiiciga ah ee Jirkaaga u samaysan yahay, sida cabbirkiisa iyo muuqiisa,halkii aad isku mashquulin lahayd inaad qof kale u ekaatid. Tusaale: Xoogga saar inaad caafimaad hesho, ama noqoto qof jir ahaan u xooggan,halkii aad isku mashqulin lahayd inaad dhar cabbir gaar ah xirato ama cid kale siday u egtahay isku ekaysiiso.
9. Jimicso oo Dareen Farqiga jira.
Diiradda ku saabsan socodka ka wareeji miisaan dhimidda, una wareeji dareenkaaga caafimaad iyo kan nololeed ee kusoo wajaha. Tusaale Dooro inaad ruclayso, dabbaalato, ama baaskiil waddo, hana u samayn sidaasi inaad wax iska dhinto ee u samee inaad hesho tamar iyo dareen macaan.
10. Xushmee Caafimaadkaaga – Xoogga saar Nafaqo Deggen
Dooro cunto laba shaqo kuu qabanaysa hal mar. Mid nafaqo kusiinaysa isla markaana ku qancinaysa adigoon xad dhaaf samayn. Tusaale: Ku raaxayso cunto isku miisaaman oo qudaar ku jirdto, sidoo kale Borotiin-na ku jiro, sidaas oo ay tahay mar mar mac-macaan iyo keeg ku dhufo adoon danbi dareemayn.