Daawashada Shaashadaha: Talooyin Caafimaad oo Ku Saabsan Caruurta

๐“๐€๐‹๐Ž๐Ž๐˜๐ˆ๐: ๐–๐š๐ช๐ญ๐ข ๐ข๐ง๐ญ๐ž๐ž ๐ฅ๐žโ€™๐ž๐  ๐š๐ฒ๐š๐š ๐œ๐š๐ซ๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ญ๐š ๐ฅ๐จ๐จ ๐จ๐ ๐จ๐ฅ๐š๐š๐ง ๐ค๐š๐ซ๐š๐š ๐๐š๐š๐ฐ๐š๐ฌ๐ก๐š๐๐š ๐’๐ก๐š๐šs๐ก๐š๐๐š๐ก๐š (๐’๐œ๐ซ๐ž๐ž๐ง๐ฌ)

Guud ahaan waan wada ognahay wax walba oo xadkooda la dhaafiyo inay xanuun keenaan, ha ahaadaan cuntada, cabbidda iyo jimicsiga, waxaana talo noogu filan xaddiiskii ahaa โ€œ Arimaha oo dhan waxaa ugu fiican dhex dhexaysigaโ€.

Haddaba kusii fogaan mayno ee aan horay ka gudo galno talooyinka aan cinwaanka ka ku xusnay anagoo xigaynayna Machadka Caruurta Ameerika (AAP) iyo Xarunta Xakamaysa Cudurada ee America (CDC)

๐‚๐š๐ซ๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ญ๐š ๐ค๐š ๐ฒ๐š๐ซ ๐Ÿ ๐’๐š๐ง๐จ: Looma ogola inay daawadaan shaashahadaha noocay doonaan ha ahaadaan, marka laga reebo inay waxoogaa ka qayb qaataan wada sheekaysiga video-ga ee qoyska dhex maraya.

๐‚๐š๐ซ๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ญ๐š ๐ฃ๐ข๐ซ๐ญ๐š ๐Ÿ-๐Ÿ“ ๐’๐š๐ง๐จ: Looma ogola in ka badan hal saac maalintii oo dhan.

๐‚๐š๐ซ๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ญ๐š ๐ค๐š๐ฐ๐š๐ฒ๐ง ๐Ÿ“ ๐ฌ๐š๐ง๐จ: Looma ogola in ka badan laba saac maalintii oo ay ku jiraan sheekooyika qoyska ku dhexmaraya shaashadaha.

๐‚๐š๐ซ๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ญ๐š ๐ค๐ฎ ๐๐ก๐จ๐ฐ ๐ช๐š๐š๐ง๐ ๐š๐š๐ซ๐ค๐š : Waxay tani ku xiran tahay hadba sida ilmaha loo ilaaliyo fir fircoonidiisa, caafimaadkiisa, waxbarashadiisa iyo bulsho la dhaqankiisa, sidaa daraadeed waa in la isku miisaamo dhaq dhaqaaqa iyo isticmalka shaashadaha.

Mar walba oo caruurta ku aragtid ayagoo waqti badan isticmaalaya shaashadaha ka mashquuli, u dir shaqo, jimicsi yar ha sameeyaan oo guriga dhexdiisa ah, cayaar caruureed ha camirtaan iyo wax kale ee aad u aragtid inuu nashaad ka helayo.

Waxay muhiim u arkeen dhaqaatiirta caafimaadka caruurta in waalidka uu kaalin mug leh ka qaadan karo in ilmaha laga xakameeyo isticmaalka shaashadaha sida mobeellada iyo talefishinka. Haddii uu waalidku inta badan caruurta la joogo oo uu qolka kula jiro waxay ka caawinaysaa inay ka war qabaan.

Caruurta ka yar 2 sano waxay ku jiraan nolol xasasi ah waa in aad loo ilaaliyo sida uu xusay Dr. Yang oo ah khabiir caruurta ah, maxaa yeelay waxaa saamayn xataa ku leh TV-ga agtooda ka daaran, iyo waalidka oo ka aamusa carurta.

Caruurta TV-ga ka ag daaran yahay ayaa la ogaaday inay saamayn ku yeelato fahankooda waxaana ku dhaca astamo loo yaqaan โ€œ Video Deficitโ€ oo macno ahaan u dhow, wax yeellada ama hoos u dhaca uu sababo taleefshinnada ama muuqaallada daaran.

Dhaqaatiirtu waxay xuseen in ay habboon tahay caruurta 2 sano ka yar inaan TV la daawadsiin, haddii aysan waalidku joogin oo aysan u fasiraynin waxa ay daawanayaan.

Ugu dambayn shaashadaha waxay saameyn ku yeeshaan korriimada iyo fahamka caruurta, gaar ahaan kuwa daโ€™doodu yar tahay. Waxaa muhiim ah in waalidku si miyir leh u xaddido waqtiga shaashadda, islamarkaana uu dhiirrigeliyo ciyaaraha, dhaq-dhaqaaqa iyo la falgalka bulshada si ay caruurtu si caafimaad leh ugu koraan.

————————-

Maqaalada noocan ah waxay noqon doonan taxane socon doona, ee hanaga dheeraan.

Waxaa diyaariyay : Dad-dhis Initiative Somalia

Waa madal wacyi galin oo u adeegta shacabka Soomaliyeed

www.daddhis.com

May be a doodle of 2 people and headscarf

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top