Uncategorized

Ma Rabtaa Inaad Ka-guulaysato Fikirada Maskaxdaada Wareeriya.

Hordhac Tallaabo walba oo qofku qaado waa mid ka bilaabatay hal fakar. Ha dhayalsan  sida aan u fakarno ayaan u dhaqannaa. Dad badan ayaa moog in fikirka maskaxdu uu yahay mid sijoogto ah u socda, oo aanay si toos ah u xakameyn. Sidaa darteed, maskaxdu mararka qaarwaxay ku xayirantaa cabsiyo hore, walwal joogto ah, iyo fikirro soo noqnoqda. Inaad baratid xakamaynta fikirka macnaheedu maahan inaad joojiso fikirka, balse waa inaadfahanto, hagto, dib u qaabayso, una beddesho kuwo wanaagsan oo aan dhib kuu keenayn. Markaan ogaano waxa maskaxdeena ka dhex socda, waxa noo fududaanaya inaan wajahnocaqabadaha si deggan, abuurnana nolol maskaxeed oo xasiloon. Qodobadan ayaa kaa caawinaya inaad ka guulaysato fakarada xun xun ee ku jahawareeriyay. Fikirku Wuxuu Qaabeeyaa Xaqiiqda: Caalamka aad ku nooshahay wuxuu kugu muuqdaasidaad u fakarto. Tusaale: Haddii mar walba aad ku fakarto inaad guuldarreysanayso, adigaayaa sameynaya jidkaas guuldarrada. Adiga Ayaa Ka Weyn Fikirkaaga: Wacyigaaga iyo qofnimadaada ayaa ka sarreeyafikirkaaga, maxaa yeelay fikirku waa mashiin iska socda.Tusaale: Haddii aad ku fakarto “Qof aan qiimo lahayn ayaan ahay,” is daji oo weydiinaftaada: “Fikirkaas ma sax baa?”  Xakamayntu Waxay Ka Bilaabataa Wacyiga: Ma beddeli kartid waxa aadan ogeyn. Baro inaad aqoonsato fikirka xun ama wanaagsan si aad u barato.Tusaale: Haddii fikirkaan ah “ma dhici karto” uu yimaado, ku beddel: “way dhici kartaahaddii aan dadaalo.”  Cajalka Fikirka Xun Iska Beddel: Maskaxdu waxay mararka qaar soo saartaa fikirro taban, balse waa in aad jihada u beddeshaa kuwa togan.Tusaale: Haddii maskaxdaada ay keento sawir shil ama dhibaato, ku beddel sawir nolol, caafimaad, iyo rajo.  Fikirkaagu Yuusan Ku Hoggamin Ha u ogolaan in fikirka xun uu maamulo ficilkaaga.Tusaale: Haddii ay kugu soo noq noqoto “waan fashilmay” weydii naftaada: “Ma run baa? mise waan baranayaa sida aan u fiicnaan lahaa?” Maskaxdaada Wax Wanaagsan Ku Quudi: Fikirkaaga waxaa quudiya waxa aad maqashoiyo daawato. Tusaale: Haddii aad mar walba dhagaysato hadallo xanaaq iyo cay ah, maskaxdaadu waxay baranaysaa hab xun oo fakarid. Fikirka Toolmoon Maahan Is-Ilowsiinta Dhibta: Xakamayntu maaha inaad iska indhatirtodhibaatooyinka, balse waa inaad fikirkaaga adigu maamusho.Tusaale: Halkii aad ka fakari lahayd “waan daalay,” ku beddel “waan nasanayaa si aan xoogugu laabto.” Qaabka Is-Qancintaada Waa Muhiim: Sida aad naftaada ula hadasho waxay saameyn kuleedahay kalsoonidaada.Tusaale: Halkii aad dhihi lahayd “anigaa khalad ka samaysan,” dheh“khalad baan sameeyay, laakiin waan saxayaa.” Fikirkaagu Wuxuu Saamayn Ku Yeeshaa Dareenka iyo Jirka: Fikirrada xun waxaykiciyaan walaac iyo daal. Tusaale: Halkii aad ku celin lahayd “haddii” iyo “lacalla,” dheh“wax walba waa hagaagayaan markaan isku dayo.” Fikarrada Khaanado U Samee: Fikirka lama joojin karo, laakiin waa la xaddidi karaa.Tusaale: Ku ballanqaad in aadan maalintii ka fakarin wax aan faa’iido lahayn in ka badan 10 daqiiqo. Si Caqli Ah U Isticmaal Ereyada Is-Qancinta: Is-qancintu waa qalab awood leh, balse waain si miyir leh loo adeegsadaa. Tusaale: Dheh “maalin walba horumar ayaan samaynayaa” halkii aad ka dhihi lahayd “waan kaamil ahay.” Ka Ag Dhowow Dhiirrigeliyeyaal: Wax kasta oo kugu dhow sida buugga aad akhrido, sheekada aad maqasho, iyo qofka aad la saaxiibto waxay saameeyaan fikirkaaga.Tusaale: La saaxiib dadka dhiirrigeliya, akhri sheekooyin rajo leh, oo dhagayso cajaladodhiiri galin leh. Dad-Dhis Initiative: Source: Dr. Norman Vincent Peale, for positive thought transformation and Dr. […]

Ma Rabtaa Inaad Ka-guulaysato Fikirada Maskaxdaada Wareeriya. Read Post »

Uncategorized

𝐌𝐚 𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚𝐚 𝐢𝐧𝐚𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐰𝐚𝐥𝐢𝐠𝐚𝐚 𝐱𝐚𝐧𝐚𝐚𝐪𝐢𝐧? 𝐚𝐤𝐡𝐫𝐢𝐬𝐨 𝟖-𝐝𝐝𝐚𝐚𝐧 𝐪𝐨𝐝𝐨𝐛

Qofna kaama xanaajin karo illamaa aad adigu ogolaatid, hadday dhacdana waa lagaa il helay . Markii aad xanaaqdid waxaa jirkaaga ku diriraya hankaaga iyo is muujinta oo ah laba shay oo aan xanaaqa waxba ka qaban. Xilliyada qayb waxaad ka carootay waa dhammanayan ciddaad dagaasheena waa heshiinaysaan, macneheeduna maahan inaadan caadifadoon ee waa inaad ku

𝐌𝐚 𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚𝐚 𝐢𝐧𝐚𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐰𝐚𝐥𝐢𝐠𝐚𝐚 𝐱𝐚𝐧𝐚𝐚𝐪𝐢𝐧? 𝐚𝐤𝐡𝐫𝐢𝐬𝐨 𝟖-𝐝𝐝𝐚𝐚𝐧 𝐪𝐨𝐝𝐨𝐛 Read Post »

Uncategorized
Scroll to Top