Qofna kaama xanaajin karo illamaa aad adigu ogolaatid, hadday dhacdana waa lagaa il helay . Markii aad xanaaqdid waxaa jirkaaga ku diriraya hankaaga iyo is muujinta oo ah laba shay oo aan xanaaqa waxba ka qaban. Xilliyada qayb waxaad ka carootay waa dhammanayan ciddaad dagaasheena waa heshiinaysaan, macneheeduna maahan inaadan caadifadoon ee waa inaad ku hawl gashid dareen sax ah oo xor ah. 8-daan qodob waxaan kasoo xigannay : Neville Godard:-
1. 𝐒𝐢 𝐝𝐚𝐫𝐞𝐞𝐧 𝐤𝐮 𝐣𝐢𝐫𝐨 𝐢𝐬𝐚𝐠𝐚 𝐟𝐮𝐫 𝐫𝐢𝐦𝐨𝐨𝐫𝐤𝐚 𝐜𝐚𝐲𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐚𝐟𝐥𝐚𝐠𝐚𝐚𝐝𝐝𝐚𝐝𝐚: Marka qofi ku caayo waa inaad u aragto inuu soo bandhigay wajigiisa rasmiga ahaa, laakiin aysan ahayn taasi mid adiga ku tilmaamaysa, ha isku soo warejin xamuul cid kale wadday.
2. 𝐖𝐚𝐱 𝐰𝐚𝐥𝐛𝐚 𝐬𝐢 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐬𝐢 𝐚𝐡 𝐡𝐚 𝐮 𝐪𝐚𝐚𝐝𝐚𝐧: Dadka waxaa ka hadal siiya dareen haya sida caro, cabsi ama baahi haysa, markaas hadalkooda iyo ficilkooda waxba kama quseeyaan shaqsiyaddaada.
3. 𝐍𝐚𝐟𝐭𝐚𝐚𝐝𝐚 𝐤𝐮 𝐜𝐚𝐫𝐛𝐢 𝐢𝐧𝐚𝐲 𝐢𝐬 𝐝𝐚𝐣𝐢𝐬𝐨 𝐱𝐢𝐥𝐥𝐢𝐠𝐚 𝐥𝐚𝐠𝐮𝐠𝐮 𝐠𝐚𝐫𝐝𝐚𝐫𝐨𝐨𝐝𝐨: Waxaad u baahan tahay inaad barato is xakamaynta xilliga lagugu abyoodo ama laguu soo tuubbo raaco. Is daji, neefso, xoogaa dib isku celi una fiirso dareenkaaga.
4. 𝐔 𝐪𝐢𝐢𝐥 𝐬𝐚𝐦𝐞𝐞 𝐪𝐨𝐟𝐤𝐚 𝐤𝐮𝐠𝐮 𝐱𝐚𝐝 𝐠𝐮𝐝𝐛𝐚𝐲 Marka qof six un u dhaqmo, inta badan waa xaalad ka tan badatay asaga, sidaa daraadeedna sidaa u qaado xataa haday kugu adkaato iska dhig mid sidaa u fahantay, maxaa yeelay caafimaadkaaga Kujira.
5. 𝐍𝐚𝐟𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐥𝐚 𝐬𝐡𝐞𝐞𝐤𝐚𝐲𝐬𝐨 𝐨𝐨 𝐢𝐬 𝐰𝐚𝐲𝐝𝐢𝐢: Hadda maxaan u xanaaqay? Maxaa i daaray? Markaad su’aalahaas isaga jawaabto xaalka waa kuu dagayaa.
6. 𝐎𝐠𝐨𝐨𝐰 𝐟𝐚𝐤𝐚𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐤𝐮𝐠𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐜𝐚 𝐫𝐮𝐧 𝐦𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧: Haddii aad maskaxdadaa ka saari wayso fakar xun iyo male, arintaasi waa arin aad iska dhaadhicisay ee run mahaan (Tusaale, in la i caayay ama la i quursaday macneedu maahan inaan sidaa sahay) waa iska caadi in qofku maantoo dhan isku soo cel celiyo sharafkagii baa wax la yeelay, waxba lama yeelin
7. 𝐇𝐚𝐥𝐚 𝐝𝐨𝐨𝐝𝐢𝐧 𝐍𝐚𝐟𝐭𝐚𝐚𝐝𝐚: Marka aad naftaada la dooddo, dibna u daarato caydii iyo hadal xumadii waxay sii xoojinaysaa kaliya xanuunka dareenkaaga, sidaa daraadeed hawada raaci doodad dhexdaada ka socota.
8. 𝐌𝐚𝐫𝐤𝐚𝐚𝐝 𝐗𝐚𝐧𝐚𝐚𝐪𝐢𝐝𝐢𝐝 𝐃𝐚𝐫𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐰𝐞𝐞𝐜𝐢: Markaad carootid, dareenka u weeci arin kale oo caadi ah ama wanaagsan (sida inaad aag baddalato, socoto, bannaanka u baxdo.

